Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaallo xoogan oo ka dhacay gobollada Sh/Hoose iyo Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Milatariga iyo Al-Shabaab oo maanta  ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku bilowday madaafiic ku qaadeen deegaankaasi.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhexmaray labada dhinac, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in sidoo kale Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda ay maanta ku dagaalameen halkaasi.

Dagaalka ayaa ka dhashay, kadib weerar ciidanka Itoobiya kaga yimid dhanka Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinaca oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa hadda degan, iyadoona goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidamada huwanta ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this