Sign in to follow this  
Deeq A.

Shariif Xasan iyo C/Kariin Guuleed oo ka dagay Kismaayo iyagoo aan Muqdisho soo marin

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Wafdi ay heer sare oo ay hoggaminayaan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka dagay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Maamulka Jubbaland.

Wafdigaan oo soo raacay diyaarad gaar ah oo si toos ah uga timaaday Magaalada Nairobi ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo taasoo dhabar jab ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo horey usoo saartay amar ah inay Diyaaradaha Nairobi ka imaado soo maraan Muqdisho.

Garoonka Kismaayo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenada maamulka Jubbaland.

Wafdigaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah ku dhawaad 30 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasadda dalka Kenya.

Xubnahaan ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Xafladda Caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Madoobe oo ka dhici doonto Magaalada Kismaayo.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn xilliga ay dhaceyso Xafladda Caleema Saarka  ayaa haddana waxaa la rumeysan yahay inay dhici doonto 9-ka bishaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey sabab ugu noqotay inay baaqato Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe kadib markii ay joojisay dhammaan diyaaradihii tagi jiray Magaalada Kismaayo, sidoo kalana ay xayirtay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo diyaarad ka raaci rabay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

97468815-3c20-4405-b433-3ab32f0f68de.jpg 4b5a4091-3374-482e-95b3-6c99f38aaa34.jpg

4-8-696x522.jpg 72672822_2428375643884619_69663267581360 71655987_2428375527217964_19343255249061 72379865_2428375283884655_34317527042867

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this