Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo toogasho ka geystay MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil askari ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo Godey, iyadoona ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in askariga la dilay uu ka tirsanaa ciidamada kuwa qaada canshuuraha ee loo yaqaano Minashiibiyada.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dilka kadib ay meesha gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi, waxaana ay baahisay inay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan kuwooda, sida gaarka ah u tababaran.

Ma shaacin kooxda Al-Shabaab magaca askarigaasi, basle waxa ay sheegtay inuu dhibaato ku hayey shacabka, islamarkaana uu baad ka qaadayey, sida ay u dhigtay.

Muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhisay dilalka iyo weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this