Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar: Nin Lagu Xukumay Xabsi Sanad Ah Kadib Markii Uu Xummeeyey Kombiyuutarkii Xaaskiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Maxkamad ku taalla Dalkaasi ayaa waxa ay xukun xadhig ah oo muddadiisu dhan tahay Sanad waxay ku xukuntay nin u dhashsay Dalkaasi oo ay Xaaskiisa ku soo eedaysay In uu ka xummeeyay Kombiyuutarkeedii oo qiimihiisu ahaa 25 kun oo ginniga Masar ah.

287806Image1.jpg

Haweenayda ayaa sidoo kale saygeeda ku eedaysay in uu diiday bixinta qiimahaasi, Haweenaydan oo magaceeda Shayma la yidhaahdo ayaa waxa ay Maxkamadda ka hor sheegtay in markii ay muddo saddex bilood ah is qabeen ay ka yaabtay qaabka uu saygeedu u rogrogi jiray isla markaana uu u baadhi jiray Kombuyuutarkeeda gaarka ah.

Shayma ayaa sidoo kale sheegtay in saygeedu markii dambe uu bilaabay in uu xado intaasi kadibna uu guriga ka eryey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this