Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAN Oo Siidaysay Laba Qof Oo Basaasnimo Ku Eedaysnaa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa siidaysay gabadh iyo Nin u dhashay Dalka Australia, kuwaasi oo muddo saddex bilood ah ku xidhnaa Dalka IRAN.

Wo13-Sept-AUSTRALIA-PRISON-EVIN-1024x576

Siidaynta labada Qof oo IRAN hore ugu eedaysay Basaasnimo waxa Sabtida Maanta xaqiijiyey Wasiirka Arrimaha dibedda ee Australia Marise Payne.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Australia, Marise Payne ayaa sheegtay in lamaanahan oo Magacyadoodu kala yihiin Jolie King iyo Mark Firkin ay ku soo waajahan yihiin Gurigoodii isla-markaana Caafimaad qabaan.

Wasiirka Arrimaha dibeddu waxay sheegtay in dhammaan eedaymihii loo haystay oo ay ugu waynayd inay basaasiin ahaayeen la tuuray, sidaasi darteedna “Waxay dib ula midoobayaan Dadkoodii ay jeclaayeen..” ayay tidhi.

Labada xubnood ee la siidaayey ayaa la Dawladda Tehran xidhay, markii ay fasax la’aan duuliyeen diyaarad yar oo Drone ah, taasi oo qayb ka ah Sababaha loogu eedeeyay inay basaasiin yihiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this