Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu ka hadlay duqa caasimadda Garoowe?

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse oo khudbad u jeediyay, Kalfadhiga 27-aad ee golaha degaanka Garoowe ee saaka furmay, ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay waxqabadkii maamulkiisa ee mudadii u dhexaysay labada Kalfadhi.

Duqa ayaa sheegay in markii u horraysay Garoowe loo sameeyay xeerka tayeynta amniga caasimadda iyo ciidankii fulin lahaa, taasi oo sida uu sheegay wax badan ka beddelay nidaaminta amniga iyo bilicda magaalada.

Mudanayaal, waxaa caasimadda loo sameeyay xeerka tayeynta amniga caasimadda iyo ciidankii fulin lahaa, taasi oo wax weyn ka beddeshay, kana beddeli doonta muuqaalka, milgada iyo maqaamka caasimadda dowladda Puntland” ayuu yiri duqa.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in uu hadda magaalada ka bilowday, welina uu socdo hawlgal lagu banneynayo guryaha hantida dowladda ah ee ay degganaayeen dadka shacabka ah, waxaana uu xusay in hawlgalkani nidaamin iyo bilic u samaynayo caasimadda Garoowe.

Mudanayaal, waxaa socda dhismaha kantaroollada magaalada Garoowe, kuwaasi oo kantaroolka waqooyi iyo kantaroolka koonfureed heer geba-gabo ah marayaan, kantaroolka dhinaca bariga ahna insha Allah hawshiisu si dhakhso ah u bilaaban doonto.” ayuu sii raaciyay duqa caasimadda Axmed Barre.

Waxa kale oo uu sheegay in si rasmiya loo hawl-geliyay waaxda dab-demiska dowladda hoose ee degmada Garoowe, islamarkaana tababar la siiyay oo shaqadooda loo carbiyay shaqaalaha waaxda dab-demiska.

Mudane Axmed Barre oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in hadda gacanta lagu hayo todoba waddo oo laamiya oo laga hirgelinayo caasimadda Garoowe, kuwaasi oo heer geba-gabo ah maraya sida uu xusay duqa.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in mar dhow caasimadda laga bilaabi doono afar laami oo kale iyo buunda isku-xiri doonta magaalada iyo isbitaalka weyn sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan ka daawo khudbadda duqa oo dhan

PUNTLAND POST

The post Muxuu ka hadlay duqa caasimadda Garoowe? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this