Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada AMISOM oo is hortaag ku sameeyey mas’uul caan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee  AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay is hortaag ku sameeyeen mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada Jabuuti ayaa garoonka Ugaas Khaliif uu diiday inuu galo guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Beledweyne, Mudane Muxumed Cali Dhagagaab.

Guddoomiyaha ayaa doonayey inuu ka qeyb galo soo dhoweyn loo sameynayo wafdi ka socda Hirshabelle oo saacadaha soo socda tegaya halkaasi.

Dhagagaab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay ula dhaqmeen, si aan wanaagsaneyn, islamarkaana uu ka xunyahay falkaasi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dhacdadaasi ay wax ka weydiin doonaan taliska ciidamada AMISOM ee ka howlgala gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Jabuuti oo ku aadan falkaasi lagula kacay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Beledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this