Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Oo Ugu Dambeyntii Lagu Khasbay In Uu Aqbalo Soo Jeedinta Xuutiyiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Sacuudiga ayaa qarka u saaran inuu aqbalo xabad joojin ay soo jeediyeen kooxda Xuutiyiinta Yemen, taasi oo haddii ay dhaqan gasho xoojin karta dadaallada ay waddo Qaramada Midoobay ee lagu soo geba-gebeynayo dagaalka Yemen ee burburiyey sumcaddii Riyadh.

Mohammad-bin-Salman.jpg

Xuutiyiinta ayaa laba toddobaad ka hor ballan-qaaday inay joojinayaan gantaallada ay ku ridaan Sacuudiga, haddii isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen ay sidaas oo kale sameeyaan.

Ma jirin wax aqbalaad ama diidmo ah oo Sacuudiga kaso yeedhay. Hase yeeshee, Riyadh ayaa toddobaadkan soo dhoweysay yabooha, waxaana saddex diblomaasi iyo laba il-wareed oo kale ay sheegeen in Sacuudiga ay ka fakarayaan inay aqbalaan xabad-joojinta.

Ilo-wareedyadan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in duqeymihii Sacuudiga ay la beegsan jireen dhulka Xuutiyiinta ay aad hoos ugu dhaceen, islamarkaana ay jiraan sababo rajo wanaagsan looga qabo in dhowaan heshiis la gaadhi doono.

Wasiir ku-xigeenka difaaca Sacuudiga Amir Khalid Bin Salman ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in boqortooyada ay yabooha xabad-joojinta Sacuudiga u aragto arrin wanaagsan, isaga oo xoojiyey hadal noocaas oo kale ah oo kasoo yeedhay Maxamed Bin Salmaan, oo ah ninka sida aan rasmiga ahayn u maamula Sacuudiga.

“Yabooha Xuutiyiinta waa tallaabo wanaagsan oo hore u riixeysa wada-hadallo siyaasadeed oo dhab ah, Maanta diyaar ayaan u nahay dhammaan hindiseyaasha xal siyaasadeed loogu helayo Yemen. Waxaan rajeeneynaa inay sidaas dhacdo” ayuu Maxamed Bin Salman u sheegay taleefishinka CBS ee Mareykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this