Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada Dadka Ku Dhintay Rabshadaha Ka Socda Dalka Ciraaq Oo Korodhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ciraaq)-Waxaa aad sare ugu kacay tirada dadka ku dhintay dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda Ciraaq ee afartii maalmood ee la soo dhaafay dalkaasi ka dhacayay kuwaas oo gaadhay ugu yaraan 60 qof, ilo dhinaca caafimaadka iyo ammaanka ah ayaa sidaasi sheegay.

109110170_74680cde-9c08-4001-b381-0bceac

Tirada ayaa laba laabmatay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, xilli ay sare u kaceen iskudhacyada u dhaxeeya dibadbaxayaasha iyo booliska.

Millateriga ayaa sheegay “shiishyahanno aanan la ogaan waxa ay yihiin” ayaa waxa ay magaalada Baqdaad ku dileen afar qof oo ay ka mid yihiin laba askari oo boolis ah.

Raysal Wasaare Caadil Cabdul-Mahdi ayaa goor sii horraysay sheegay in “dalabaadka saxda ah” ee dibadbaxayaasha la maqlay, balse waxa uu dalbaday in la isdajiyo.

Dibadbaxyada aan la sii qorshayn ayaa waxa ay bilaameen salaasadii xilli uu aad sare ugu kacay warwarka taagan shaqa la’aanta heerka sare ah ee haysata dhalinyada, adeegyada bulshada ee aadka u liita iyo musuq maasuqa dalkaasi ka hadheeyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this