Deeq A. Posted October 5, 2019 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ka wadaan gobolkaasi. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan nawaaxiga degmada Awdheegle, deegaanada Bariire, Lambar Konton iyo Lambar Lixdan. Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan baaritaanadaasi, balse waxa ay sheegeen inay ka warbixin doonaan saacadaha soo socda. Dhaq dhaqaaqyadan Milatari ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay dagaalyahannada Al-Shabaab ay waraaqado digniin ah ku daadiyeen gobolka Shabeekaha Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites