Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in Jubaland ay ku dhowaaqeyso gooni-u-goosad? (Daawo Video)

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in cadaadiska xooggan ee kaga imanaya dowladda federaalka ah uusan ku qasbi doonin inay ku dhowaaqaan gooni-u-goosad.

“Waxa nagala raadinayo waa ‘dowlada federaal xal baan ka waynay si kalaa u tashaneynaa’ maya; midnimada Soomaaliya annagaa u taagan, annagaa keenayno, annagaa ka shaqeynayna, cidna ugama gambaneyno”.

Shacabka ayuu soo jeediyay in laga badbaadiyo “dhur-waayadda”, amni daradda sii kordheysa iyo qaraxyadda. “Aan u soo jeesanayo in aan amniga kawada shaqeyno, aan iska dayno waxa maanta laga hadlayo”.

Iyadda oo xukuumadda hadda jirta lagu eedeynayo in ay kasoo horjeedo nidaamka federaalka, Axmed Madoobe ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo nidaamka ay dadka ku heshiiyeen.

Deeqaha lacagta iyo qaybaha kale ayuu ku nuux-nuux saday in lagu koobay Villa Soomaaliya. “Markan Jubbaland ka hadlo, labadii sano ee u dambeysay waxaas ayaan idinka soo gaarey ma jiraan, haba yaraatee”.

Maamulka hawadda oo dalka dib loogu soo celiyay sanado kadib ayuu tibaaxay in dowladda Farmaajo ay muujisay “in aan lagu haleyn karin xitaa wax kasii weyn oo ay Soomaali leedahay”. “Waan ka tashan doonaa”.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubaland ay “tusaale u tahay Soomaaliya”, maadaama ay degto Soomaali oo idil, ayna kamid tahay meelaha khilaafka dalka ragaadiyey ay ka bilowdeen.

Dib-u-heshiisiino qoto dheer oo la sameeyay ayaa natiijadda kasoo baxday waxay noqotay in bulshadda ay ku heshiiyaan dhismaha maamul ka shaqeeya midnimada dalka, danahooda iyo horumarkooda.

Axmed Maxamed Islaam, oo ka hadlay xaflad ka qabsoontay Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka dowlad goboleedkaas, ayaa soo qaadey xaaladda guud ee dalka oo ay ku jirto siyaasadda iyo amniga.

“Ma noqon kareyso dowladnimada Soomaaliya feker qol ku uruursan oo qof uu leeyahay ‘anigaa iri’, waa wax dadka ka dhaxeeya. Shaqsi ma oran karo, shaqsina ma keeni karo,” ayuu Axmed ka tiraabay munaasabadda.

Wada hadal fool ka fool ah oo ay la galaan dowladda federaalka ah ayuu albaabada u furay, si loo soo afjaro kala taag-taaga.

“Waxaan u baahan nahay in aan kuwada hadalno, kuwada socono ama ku heshiino waa Dastuurka dalka u yaala. Ku federaal ha noqdo ama kan maamulka ha noqdo, isagaa wuxuu yahay waxa dadka hagi karaya.

Hogaanka Villa Soomaaliya ayuu ku eedeeyay isku koobida taladda dalka. “tacbiir ama feker qof uu leeyahay waxba laguma sameyn karayo”.

Sidda laga soo xigtay Axmed Maxamed Islaam, kaliya cidda ka dhex-faa’ideysaneysa khilaafka siyaasadeed waa Al-Shabaab.

“Awooda Al-Shabaab sida ay markii hore ahayd maanta way kasii saddex laba jibaarantay, waxa keenayana waa in lala dagaalamo waxaa laga doorbiday in dhaqaalihii dib loogu celiyey dalka oo lagu burburiyo”.

Mas’uuliyiinta dowladda Farmaajo “ee marin-habaabsan” ayuu ku tartarsiiyey in ay “xisaabtan” ayna ka fekeraan dhaxalka ay dalka uga tegayaan. Kaliya sanad iyo bilooyin ayaa uga haray mudada xileedkooda rasmiga ah.

“Wada-tashi, is-faham, walaalow, intaasaa wax lagu qaban karaayee, qofna feker gaar ah oo uu leeyahay waxba kuma sameyn karayo”.

Dhinaca kale, Axmed Madoobe oo soo dhaweeyay madal ay ku midoobeen qaar kamid ah xisbiyadda siyaasadeed ee dalka ayaa si lamid ah bogaadiyey “Shirwayne Badbaado Qaran ah” oo ay axsaabta iclaamiyeen.

Shirkii Muqdisho lagu soo xiray Arbacadii ayuu ku sifeeyay mid “marin-habaabsan”. Beesha Caalamka ayuu tilmaamay in aysan wajahayn “waxa dhabta ah”. “Wax lagu sii kala [fogaanayo] macno malahan”.

“Deynta Cafin, dagaalka AlShabaab iyo Horumarin dalka la gaarsiinayo waa waxa loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo oo aan kala hadalnay dowladda iyo Beesha Caalamka,” ayuu hoosta ka xariiqay.

Hogaamiyeyaasha dalka ayuu ku booriyay in ay “kusoo laabtaan xaqiiqadda” ayna fahmaan “meesha uu dalku ka yimid, halka uu u socdo”.

“Meeshii waxaas laga hadli lahaa, waxaa laga hadlayaa diyaaradaha hala xiro; dadka hala go’doomiyo, hooyadda umusha ah dawadeeda haloo diido, waxay raadinayaa waa wax aanan marnaba qaadaneyn”.

Hoos ka daawo Axmed Madoobe


Isha: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this