Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Ururka Xamaas Oo Lagu Xidhay Sacuudigga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Laamaha Amniga Sacuudiga ayaa xabsiga dib ugu celiyay sarkaal sare oo ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Islaamiga ah ee Xamaas, oo toddobaadyo ka hor daaweyn caafimaad Cisbitaal loo dhigay.

157013491856fff.jpg

Hey’ad madax-bannaan oo u dooda xuquuqda maxaabiista ayaa shaacisay in Maxamed Al-Khuderi dib loogu celiyay xabsiga magaalada Dhahbaan ee ku yaalla xeebta Badda Cas.

Al-Khuderi ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay lagu daaweynayay magaalada Makka ee dalka Sacuudiga.

Ururka Xamaas ayaa aad uga cadhooday tallaabadan waxaana ay ku eedeysay xukuumada Sacuudiga inay ku tumatay xuquuqda muwaadinkaan oo 30 sanno ku noolaa Boqortooyada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this