Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo oo ku guulesan la’ banaan-bixii lagu amray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Abaabulka banaan-bax ay Xoogagga Wadaniyiinta Farmaajo doonayaan in lagu qabto Muqdisho, oo uu amarkiisa bixiyey madaxweyne Farmaajo, ayaa lagu guuleysan la’yahay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Banaan-baxan ayaa ka dhan ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, oo ay dowladda aad u dhibsatay kulamada ay ka wadaan Muqdisho ee looga soo horjeedo xadgudubka ay dowladda ku sameysay xuquuqda isu-socodka muwaadinka, caburinta siyaasiyiinta iyo jidadka xiran ee Muqdisho.

Qorshaha banaan-baxa Xoogagga Wadaniyiinta Farmaajo ayaa waxaa qeyb ka ah in Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif lagu calaamadeeyo qabyaalad, loona muujiyo inay madaxweynaha ku mucaaradayaan hab qabiil, ayaga oo adeegsanaya dadkooda oo ah qabiilka ugu awoodda weyn Muqdisho.

Ilo wareedyo dhowr ah ayaa xaqiijiyay in Xoogagga Wadaniyiinta Farmaajo ku adkaatay kicinta bulsada degmooyinka Gobolka Banaadir, oo diiday inay ka qeyb-galeyn banaan-bax siyaasadeysan oo ka dhan ah madax hore dalka wax badan ugu soo qabtay oo aan wax dhib ah gaysan.

Kadib markii kooxdan Xoogagga Wadaniyiinta Farmaajo uu culeys kasoo wajahay kicinta dadka, ayaa Madaxtooyada ka dalbatay maamulka gobolka Banaadir inuu gacan ka siiyo abaabulka iyo isusoo baxa bulshada Gobolka Banaadir.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhaw xafiiska Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish uu ka diiday madaxtooyada in gacan uu ka geysto Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa u sheegay Madaxtooyada in uusan dadka ku qasbeynin in ay isku soo baxaan, waxaana uu sheegay in ay ka habboon tahay qasbidda bulshada in Madaxdu dadka toos ula hadasho fariinteedana halkaas mariso.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Xoogagga Wadaniyiinta Farmaajo ay iminka isku dayayaan in dadka xerooyinka barakacayaasha ku jira lasoo saaro, ayada oo loo ballan-qaaday lacag.

Dhinaca kale, maamulka Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmihii dhowaa awoodda ugu badan galinayay dad ka abaabulan Warbaahinta bulshada (Social Media) oo lacag ka qaata madaxtooyada kuwaas oo billaabay aflagaado ka dhan ah Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this