Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS: Dib-u-dhigis kale oo kiiska badda ah ma aqbaleyno

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa shaaca ka qaadey in dalka uusan aqbali doonin dib u dhac kale oo lagu sameeyo dhageysiga kiiska badda.

Mr Khadar ayaa ku sugan magaaladda The Hague ee waddanka Holland halkaas oo uu tagay kadib markii ay wakiilo ka socda labadda dowladood ay u yeertay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka.

Yeeritaanka ayaa ka dambeeyay markii Kenya ay gudbisay dalab kale oo ku aadan in muddo hal sano dib loo dhigo.

Isaga oo banaanka Maxkamadda kula hadlayey warbaahinta, ku simaha ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in aysan aqbali doonin wax ka duwan 4-ta November 2019, taaraaiikhdaas oo ay ICJ horey u muddeysay.

ICJ ayaa horey u shaacisay in kiiskan la dhageysan doono 4-ta November, talaabadaas ayaa ka dambeysay markii Nairobi ay dalbatay in la bedelo 9-ka September ee sanadkan, taasi oo loo ogolaaday.

Hoos ka dhageyso codka

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/10000000_460463951478651_7315248044901753522_n.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this