Deeq A. Posted October 4, 2019 Doolow (SMN) – Kulan looga hadlayey sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira qaybo kamid ah gobolka Gedo ayaa ka qabsoomay degmada Doolow. Mas’uuliyiin iyo xubno ka socda ururadda bulshadda oo shirka kasoo muuqday ayaa isku raacay in si mideysan loo samata bixiyo dadka ay saameysay abaarta. Maxamed Cabdullaahi Gar-dhuub, gudoomiyaha degmada Luuq, oo kulanka ka warbixiyey ayaa wuxuu codsaday in arrimaha ay isla meel-dhigeen la fuliyo. Mr Gar-dhuub ayaa dowladda federaalka iyo hay’addaha caalamka ka rajeeyay in ay si degdeg ah uga soo jawaabaan baaqooda. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Wadajir.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites