Deeq A. Posted October 4, 2019 Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa wadada qorsheyaal sarre loogu qaadayo tayadda ciidamadda, sida uu shaaciyey Taliska Booliska. Sareeye Gaas, Cabdi Maxamed Xasan [Xijaar], taliyaha bileyska Soomaaliyeed, ayaa xusay in qorsheyaashan ay haatan marayaa heer gabagabo ah. Qorsheyaashaas ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in ay isugu jiraan; kordhinta qalabka ciidanka, sarre u qaadida xirfadahooda iyo tiradooda. Dhinaca kale, Mr Xijaar ayaa soo hadal-qaaday isbedelka iyo dib u habeynta lagu sameeyay Waaxda Dambi Baarista CID-da ee Muqdisho. Sidda laga soo xigtay taliyaha, dib u habeynta ayaa ku saabsan dhanka maamulka, qalabka iyo adeegyadda laga heli jiray gudaha xarunta. Hoos ka dhageyso codka taliyaha https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/DFA.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites