Deeq A. Posted October 4, 2019 Hague (SMN) – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ICJ ayaa u yeertay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, sidda ay xaqiijiyeen illo diblumaasiyadeed. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka ah, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dalka ku meteli doono kulankan degdeg ah. Halka Nairobi uu ka socdo Garyaqaanka guud ee waddankaas, Kennedy Ogeto, kaas oo mar sii horeysay iska xaadiriyey madasha. Fadhigan degdeg ah ayaa ka dambeeyay markii Kenya ay soo gudbisay codsi kale oo ku aadan in kiiska dib loo dhigo illaa iyo September 2020-ka. Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay gabi ahaanba kasoo horjeesatay codsigaasi ayna ku adkeystay 4-ta November oo hore loogu muddeeyay. Sikastaba ha ahaatee, xeer-beegtada hoostagta Qaramadda Midoobay ayaa waxaa lagu wadaa in ay go’aan kama dambeys ah ay kasoo saarto arrinkan maalmaha soo aadan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites