Deeq A. Posted October 4, 2019 Beledwayne (SMN) – Taliska Ciidamadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in ay dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab kadib howlgal ay sameeyeen. Howlgalka ayaa waxaa la tilmaamay in uu ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Buulaburde iyo Jalalaqsi ee gobolkaas. Korneyl Baakay Daljir, taliyaha Guutada 22aad, qeybta 27aad, oo howlgalka horkacayey ayaa ka gaabsaday in uu shaaciyo magaca sarkaalkaas. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan sheegashadda ciidamada oo kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab. Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa howlgalo kawada gobolo kala duwan oo wadanka ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites