Sign in to follow this  
Deeq A.

Waraaqado digniin ah oo lagu daadiyey Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (SMN) – Waraaqado ay ku qoran yihiin hadalo digniin ah ayaa lagu waramayaa in lagu daadiyey degaanadda Lamber 50 iyo Lamber 60 ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in waraaqadahaas ay daadisay kooxda Al-Shabaab. Sidda ay wararku sheegayaa shacabka ayaa looga digay in ay la shaqeeyaan dowladda.

Sidoo kale, waraaqadaha ayaa lagu waramayaa in rayidka lagu faray in ay isaga baxaan tuulooyinkaas ayna waajib ku tahay in ay fuliyaan amarka, sida hadalka loo dhigay.

Dhinaca kale, wararka ayaa tibaaxaya in dadka degaanka ay durba bilaabeen in ay ka hayaamaan degaanadaas muhiimka u ah isu socodka gobolka Shabeellaha Hoose.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa aysan wali ka hadlin amarka kasoo baxay Al-Shabaab iyo waraaqadaha digniinta ah oo ay ku daadisay degaanadaas.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this