Deeq A. Posted October 4, 2019 Xamar waa magaalo aad u nasiib daran markey degaan u naqatay dad aan dareensaneyn qiimaha ay u leedahay Somalida oo dhan…waxaa la xaqiijiyay in dadka ku nool aysan wada jecleyn magaalada. Sababtaasna waxaa dadka qaar ku fasireen inay salka ku heyso takoorid iyo quursi loo qabo dadka ku abtirsada, waayoo Xamar cid walba waa soo dhaweysaa, cidna ma faquuqdo ilaa la gaaray heer la yiraahdo waa xarunta umadda ka wada dhexeysa. Xamar waa meel la wada leyahay haddana la kala leeyahay, waana soco weysay fikradi ahayd ”keyga lihi kaagana kula lihi”. Qormadaan gaaban waxay iftiimineysaa arrimaha hadda ka jira Xamar. Meel kasta waa la xiray dadkuna isuma socon karaan, meeshey rabaan ma gaari karaan, mana soo muuqato inay wadooyinka furmi doonaan mustaqbalka dhaw. Intaas waxaa dheer in labadi dariiq ee Xamar halbowlaha u ahaa ee tegaayay Jowhar iyo Afgooye laga tala baxay in la dayactiro oo dib loo dhiso, iyadoo sabab looga dhigay nabadgelya la’aanta soo wajahday injineeradi Turkiga ee dhisaayay oo Shabaab meeshi ka bursaday. Dowladdi laga sugaayay inay tallaabo ka qaado waxay u wareejisay mashruuci dhismaha wadooyinkaas lagu dhiso SAFAARADO…wallee waa yaab!!! Deeqda dowladda Qadar maxaa u diiday in lagu dayactiro ama lagu dhiso wadooyinka burbursan ee magaalada gudaheeda marka lala aadaayo dibadaha…aaway dadki arrimahaan ka hadli lahaa? Aaway barlamaanki? Mase wuxuu naqday GOLIHI SACABKA EE JAALLE SIYAAD? Ma la heli doonaa dad arrintaani ay khuseyso oo ka hadli kara bahdilidda lagu haayo XAMAR? W/Q: Axmad Calasow AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites