Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Muqdisho, maka bixi karaan loolanka adag ee Shariif, Xasan iyo Farmaajo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Inkastoo ay hogaaminta Soomaaliya ka gaareen heerkii ugu sarreeyay oo ah kursiga Madaxweyne ee dalka looga taliyo islamarkaana aysan ku yareen da’ iyo aqoon, waxaa muuqata in wali ay ku dul hardamayaan shacab daalan oo u baahan badbaado iyo nolal wanaagsan.

Dhamaantood waxay raadinayaan dano gaar ah iyo masaalix aan ku saleesneen dan guud sida ay qabaan inta ugu badan shacabka magaalada Muqdisho oo soo arkay hogaaminta 3-daan siyaasi ee isku haaya hogaaminta Soomaaliya.

Dadka aan ka hadleyno waa Madaxweynayaasha kala ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo todobaadyadii la soo dhaafay loolan adag ku dhaxmaraya magaalada Muqdisho.

Shacabka gobalka Banaadir, waa dad daalay oo ay daashatay amni darro, shaqo la’aan iyo cadalaad darro. Intaas oo dhan waxaa u sii dheer in hogaamiyaasha Soomaaliya ay uga baxeen balamo ay hore ugu sameeyeen.

Sidoo kale waa shacabka kaliya ee aan matalaad ku laheyn dowladda Soomaaliya dhowrkii sano ee la soo dhaafay, sidoo kalane aan heysan maamul madaxbanaan wax u soo dhicin kara xuquuqda kaga maqan dowladda.

Intaas oo dhan markii loo eego iyo loolanka socda shacabkaan dhibaataysan maka bixi karaan loolanka Farmaajo, Shariif iyo Xasan?

Malaga yaabaa in siyaasiintaan ay dib isugu laabtaan oo ay ka fikiraan dhibaatada heysata shacabkaan kadibna ay go’aamiyaan mustaqbalka dadkaan dhibaateysan?

Si gaar ah, madaxweyne Farmaajo ma laga yaabaa inuu garowsado qaladkiisa, kana joogsado caburintii uu sameeyey ee hogaamisay fal-celinta madaxdii isagaka horreysay.

Markii laga soo tago loolanka iyo is jiid jiidka siyaasiintaan, malaga yaabaa in shacabka magaalada Muqdisho ay ka shaqeeyaan dantooda iyo badbaadada naftooda maadaama ay marti gelinayaan qatarta Al-Shabaab iyo qatarta siyaasiinta danta gaarka ah ka leh Muqdisho iyo Soomaaliya.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this