Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Golaha wasiirada Puntland oo looga hadlay tababarka ciidamada

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka todobaadlaha ee golaha Wasiirada Puntland, oo khamiista maanta ka qabsoomay xarunta madaxtooyada ee magaalada Boosaaso, ayaa looga hadlay; Amniga, Siyaasada dalka, dib u eegista Diiwaanka Xeerarka Puntland, dhismaha golayaasha degaanka iyo warbixino kale.

Af-hayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac yuusuf Jaamac (Dabaraani) oo markii shirku soo dhammaday faahfaahin ka bixiyay, ayaa sheegay in wasaaradda Amniga ay shirka ku soo bandhigtay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan, halka uu marayo tababarka ciidamada Puntland iyo hirgelinta xeryaha tababarkaasi laga samayn doono.

Dabaraani ayaa sheegay in xukuumaddu ay waddo qorshe lagu dhisayo ciidamo tirsan oo tayaysan, kuwaasi oo si buuxda u hanan-kara sugidda amniga iyo difaaca degaannada Puntland,isagoo xusay in qorshahaasi hadda meel fiican marayo.

Sidoo kale, wuxuu ka warbixiyay qodobada kale ee shirka looga hadlay sida; Siyaasada dalka, dib u eegista Diiwaanka Xeerarka Puntland, dhismaha golayaasha degaanka iyo horumarinta garoomada Puntland.

Hoos ka daawo hadalka Af-hayeenka

PUNTLAND POST

The post Shirka Golaha wasiirada Puntland oo looga hadlay tababarka ciidamada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this