Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo mar kale si adag u cambaareeyay dowladda federalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jubbalad ayaa sheegay in maamulka hawada Soomaaliya oo aad loogu hanwaynaa sidii Soomaaliya ay gacanteeda usoo gali lahayd maanta la is waydiinayo suurta galnimada in ayna Xukuumada Federaalku masuul ka noqon Karin maadama ay arimo siyaasadeed u adeegsanayaan oo lagu dhibaataynayo dadka shacabka ah.

Dhamaan cunaqabataynada Dowlada Federaalka ah ay kusoo rogtay dadka Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay inayna waxba saamayn ah ku yeelanaynin sida ay diyaarka ugu yihiin Midnimada iyo wadajirka Umada Soomaaliyeed ayna diyaar u yihiin sidii lagu yaqaanay in shacabka Soomaaliyeed ay isku keenaan oo Mustaqbalka dalkan laga arinsado.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in go’aanka garoonka diyaaradaha Muqdisho lagaga celiyay Madaxweynahii hore ee Soomaaliya sheikh shariif sheikh Axmed uu yahay xad gudub aan sharciga dalka meela kaga oolin loona baahan yahay in wax la iska waydiiyo.

Isagoo ka hadlayay shirka kasocda Magaalada Muqdisho ee Beesha Caalamka iyo Dowlada Federaalka ah u dhexeeya ayuu Madaxweynahu sheegay in hanaanka siyaasada loo dhan yahay ayna dalka ka jirin sidaas darteedna wax walba oo shirkaas kasoo baxa ayna anfacaynin dadka Soomaaliyeed loona baahan yahay kahor in arimaha masiiriga ah heshiis laga gaaro sida Doorashooyinka iyo dhamaystirka dastuurka.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in hanaanka dayn cafintu uuna dhaqan gali Karin iyadoo Madaxda Villa Soomaaliya joogta ay ku tumanayaan sharciga dalka waxaa uu Madaxweynahu sheegay in qof walba oo Soomaali ah uu qayb ka yahay daynta dalka lagu leeyahay balse wadadii lagaga bixi lahaa ayna haynin Dowlada Federaalka ah.

………..Puntland Post………

The post Axmed Madoobe oo mar kale si adag u cambaareeyay dowladda federalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this