Sign in to follow this  
Deeq A.

Matalayaal Ka Socda Mareykanka Iyo Saraakiisha Siyaasada Taliban Oo Gaadhay Pakistan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pakistan)-Saraakiisha dhanka siyaasadda u qaabilsan ururka Taliban iyo matalayaal ka socda xukuumada Washington, ayaa shalay gaadhay waddanka Pakistan.

1570036386d37f6.jpg

Madaxa wadahadallada Taliban Mullah Baradar iyo xubno ka socda Mareykanka oo uu hoggaaminayo , Zalmay Khalilzad ayaa ka dagay caasimada Islamabad sida tabinayaan warbaahinta dalkaasi.

Afhayeenka Ururka Taliban Sabiixulaahi Mujaahid ayaa xaqiijiyay in waftigan ay kala xaajoon doonaan hoggaanka Pakistan arrimo la xidhiidha dib u bilaabida wadahadalladii nabada ee dowlada Mareykanka.

Waftigayaga 11 ka xubnood waxay booqanayaan magaalada Islamabad kadib casuumaad kaga timid dowlada Pakistan oo ay kala hadli doonaan wadahadalkii nabada oo Mareykanka dib uga laabtay.

Bishii hore ee September ayaa raysal wasaaraha Pakistan wuxuu ugu baaqay madaxweyne Donald Trump, in uu dib u bilaabo wadahadalladii Mareykanka iyo Taliban.

Tan iyo markii uu burburay wadaxaajoodka labada dhinac ayaa kooxda Taliban wafti ka socda waxay booqdeen wadamada Ruushka Iiraan iyo Shiinaha, si ay kala hadlaan dadaalada nabada ee dalka Afghanistan.

Donald Trump ayaa wada xaajoodka labada dhinac ka baxay 9 bishii September kadib markii 12 qof oo askari ka tirsan Mareykanka lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Kabul.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this