Deeq A. Posted October 3, 2019 Muqdisho (SMN) – Taliska ciidamadda Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay goorta ay sida rasmiga ah uga baxayaan gudaha waddanka. Madaxa howlgalka AMISOM ahna wakiilka AU-da ayaa go’aankan kaga dhawaaqay Shirka Iskaashiga Soomaaliya ee Arbacadii lasoo afjaray. Francisco Madeira ayaa wuxuu si cad kaga dhawaajiyey in ay Soomaaliya ka hayaami doonan marka la gaaro sanadka 2021-ka. “Waxaan isla qaadanay in 15-ka bilood ee soo aadan ay noqoto mid muhiim ah, ciidamadana Soomaaliyana aan mas’uuliyadda ku wareejino 2021,” ayuu yiri. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu wacad ku maray in ay xoojin doonan taageeradda ay siinayaan dowladda si ay ugu guuleysato xaqiijinta amniga. Ugu dambeyntii, wuxuu kalsooni fiican ka muujiyey in mudada uga hartay waajibaadkooda ay guulo kasoo hooyaan dagaalka Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites