Deeq A. Posted October 3, 2019 Boosaaso (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa wuxuu kulan degdeg isugu yeeray Golahiisa Wasiiradda. Deni ayaa faray xubnaha xukuumadiisa in ay soo gaaraan magaaladda Boosaaso oo mudooyinkii u dambeeyay uu ku sugnaa. Kulanka ayaa waxaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro arrimo ay kamid tahay xaaladda siyaasadda ee waddanka. Wararka ayaa intaas ku daraya shirka lagu soo qaadi doono khilaafka maamulka Deni kala dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Lama ogga hadii kulanka lagu soo qaadi doono Shirka Iskaashiga Soomaaliya oo Arbacadii lagu soo afjaray Muqdisho uuna kasoo horjeeday Deni. Hogaamiyaha Puntland ayaa Boosaaos u tegay kulan uu la qaato saraakiil ka socda Imaaraadka, kuwaasi oo heshiisyo uu la galay. Balse, waxaa heshiisyadaas kasoo horjeestay mid kamid ah beelaha dega xarunta gobolka Barri, oo is-afgarad ku sifeeyay wax aanan u cuntami karin. View the full article Share this post Link to post Share on other sites