Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo lacag ugu deeqay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday mucaawino cusub oo loogu talogalay arrimaha gargaarka, taasi oo ay siineyso Soomaaliya.

Hay’adda Mareykanka u qaabilsan kaalmadda dibadda ee USAID ayaa shaacisay in deeqdooda cusub ay gaareyso 257 milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

Lacagta ayaa ka dhigeysa in deeqda uu Mareykanku siiyay Soomaaliya kaliya sanadkan ay wadar ahaan gaareyso $498 milyan oo Doollar.

USAID ayaa kaalmadan waxay kaga dhawaaqday Shirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, kaasi oo Arbacadii lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

Xukuumadda Washington ayaa safka hore waxay kaga jirtaa liiska wadamadda sida xoogan u taageera Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this