Sign in to follow this  
Deeq A.

XF Soomaaliya oo dhiseysa hay’addo amni oo xoogan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa shaaciyey in ay dhisayaan hay’addo amni oo xoogan.

Mr Islow ayaa ku nuux-nuux saday in hay’addan uu qorshahoodu yahay in ay kawada howlgasho guud ahaan goboladda kala duwan ee waddanka.

Miisaaniyad gaar ah ayuu daboolka ka qaadey in loo sameyn doono si ay ugu guuleysato waajibaadka culus ee ka saaran adkeynta nabad-gelyadda.

Amniga ayaa la sheegay in uu kamid yahay qorsheyaasha ugu muhiimsan ee xukuumadda, kuwaasi oo la filayo in ay la dardargeliyo bilaha nagu soo fool leh.

Hoos ka dhageyso codka wasiir Islow

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Islow.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this