Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Jabuuti oo si adag ugu hanjabtay Faysal Cali Waraabe hal arrin darteed

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Jabuuti ayaa maanta si adag ugu jawaabtay hadal shalay ka soo yeeray Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe, kaasi oo uu eedeymo ugu jeedinayey Madaxweyne Geelle.

Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka Jabuuti uusan marnaba dhex-dhexaad ka aheyn wada-hadalada DF Soomaaliya iyo Somaliland, isla markaan u janjeedho dhanka dowlada federaalka Soomaaliya.

Xuseen Cumar Kawaaliye, Wakiilka Jabuuti u jooga Somaliland, ayaa maanta si adag uga jawaabay eedeyntaasi, isagoona xukuumada Muuse Biixi ugu baaqay inay qaadan talaabo ka dhana Faysal.

Danjiraha oo maanta warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inaysan mardambe u dul-qaadan dooni aflaagado uga timaada Faysal Cali Waraabe, wuxuuna yiri “Faysal waxaan leeyahay, annagu waxaanu nahay Dawlad, Annaga waxay wax naga dhexeeyaan Madaxweynaha Somaliland, Xukuumadda Somaliland, shacabka Somaliland ayay wax ka dhexeeyaan, waxaana naga dhexeeya Walaalnimo qoto-dheer iyo xidhiidh qoto-dheer”.

“Wada-shaqeynta hadday noqoto iyo ka wada-tashiga Argagixisada, wixii la hal-maala Amniga iyo wax isku tarkaba ayaa naga dhaxeeya. Aniga oo ku hadlaya Afka Dawladda Jabuuti waxaan leeyahay Annagu Xisbi lama sheekaysano, Xisbi wax naga dhexeeyaa ma jiro, ee Madaxweyne iyo Xukuumad ayay wax naga dhexeeyaan”

Wuxuuna intaas kusii daray “Meel uu ka soo galo (Faysal) xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland ugama banana, markaa Faysaloow haddaad Ismaaciil Cumar Geelle oo Madaxweyne u ah Soomaali, Soomaali meel ay joogtana u adeega, markaa Faysaloow Aflagaadaada uma dul-qaadanayno”.

Danjire Xuseen ayaa ugu dambeyntiina wuxuu xukuumada Somaliland iyo Madaxweyne Biixi ka dalbaday inay jawaab ka bixiyaan hadalkaasi uu Faysal ugu gefay Geelle”Anigoo u hadlaya si diblumaasi ah jawaabtaa waxaanu ka sugaynaa Madaxweynaha iyo Xukuumadda Somaliland”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this