Sign in to follow this  
Deeq A.

Digniin laga bixiyey ciidamo ay DF ka qaadeyso Muqdisho oo loo wado GOBOL kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarisay ciidan ka badan 400 oo Askari, kuwaas oo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya islamarkaana la geyn doono degmooyin laga qabsaday Al-Shabaab oo ka tirsan Shabeelada hoose.

Caasimada Online, ayaa heshay xog sheegeysa in ciidan daraawiish ah la geyn doono, Sabiib, Caanoole iyo Awdheegle oo dhowaan laga qabsaday Al-shabaab.

Ciidankaan oo u badan dhalinyaro ka tirsan Booliiska magaalada Muqdisho, ayaa dhowaan loo daabuli doonaa degaanada aan soo sheegnay waxaana halkaas laga qaadi doonaa ciidamo Milateri ah oo ku sugan goobaha aan soo xusnay.

Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidanka Booliiska Soomaaliya aysan ka bixi karin sugida amniga degaanadaas oo Al-Shabaab ay ku hareereysan yihiin.

Sidoo kale Saraakiishaan ayaa sheegay in Booliiska Soomaaliya aysan hub, tayo iyo tiraba ku dhameyn Milateriga Soomaaliya, hadii la geeyana degaanadaasi ay halis ugu jiraan weerarada Al-Shabaab.

“Waxaan ka digayaa in la laayo dhalinyaradaan oo qaarkood qaan gaar aheyn waayo Al-Shabaab waxaa iska celin la’a Milateri hub fiican heesta” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

Ciidankaan ayaa la sheegay in uu hogaaminayo Sarkaal magaciisa lagu sheegay General Sulub, waxaana ciidankaan ay isugu jiraan kuwa ay tababartay dowladda Turkiga iyo qaar hore NISA uga tirsanaa oo xaafadaha Muqdisho ku sugan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this