Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe “ Wixii kasoo baxay Shirkii Muqdisho maahan wax anfacayo dalka”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Madoobe oo ah Madaxweynaha Jubbaland oo dhawaan mar kale loo doortay Xilkaas ayaa ka hadlay Shirkii Shalay lagu soo gabagabeeyey Magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyey Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Axmed Madoobe oo Xalay khudbad ka jeedinayey Xafladda sanad guurada afaraad ee Telefishinka Jubbaland ayaa sheegay inaysan dalka ka jirin wax la yiraahdo Siyaasad loo dhan yahay.

Axmed Madoobe ayaa xusay inaysan suurta gal aheyn cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya inta ay Dowladda Soomaaliya ku tumaneyso Sharciga iyo Dastuurka dalka u yaalo sida uu hadalka u dhigay.

“Deyn cafintu ma dhaqan geli karo, iyadoo Madaxda Villa Somalia joogta ay ku tumanayaan sharciga dalka, waa in qof walba Soomaali ah qeyb ka yahay deyn cafinta dalka lagu leeyahay, balse wadadii looga bixi lahaa ayna heynin dowladda Federaalka”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhanka kale Axmed Madoobe ayaa si weyn usoo dhaweeyey Madasha looga dhaqaaqay Muqdisho kaasoo ay ku mideysan yihiin xisbiyada dalka ka jiro oo ay ugu horreeyaan xisbiyada ay kala hoggaamiyaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Beesha Caalamka ayaa Shalay shirkii lagu soo gabagabeeyey Muqdisho ka sheegay inay lagama maarmaan tahay inay Dowladda Soomaaliya dalka ku maamusho Siyaasadda loo dhan yahay.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay si deg deg ah u xaliso khilaafka kala dhaxeeyo Maamulka Jubbaland, waxaana xusid mudan in Dowladda Mareykanka ay shuruud uga dhigtay arrintaas inay dhaqaale ku caawiso Dowladda Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka ee Somalia Donald Yamamoto ayaa khudbad uu ka jeediyey, wuxuuna ku soo qaaday in Maraykanka diyaar la yahay taageerada dowladda Soomaaliya, balse loo baahan yahay midnimo siyaasadeed iyo wadashaqeyn dhex martay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka,

Wakiilka Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan oo khudbad ka jeediyay Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka ka dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale Wakiiladii ka socday dalalka UK, France iyo Germnay ayaa soo bogaadiyey qaaday horumarka ay dowlada federaalka arrimo dhowr ah, laakiin waxay ugu baaqeen in la helo iskaashi dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dhex mara, iyadoo si toos ah u soo qaaday khilaafka ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this