Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Sababta keentay inuu Farmaajo ka baaqdo shirkii madasha ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta la filayey inuu soo xiro shirka madasha iskaashiga Soomaaliya oo ay goob joog ka ahaayeen wakiillada beesha caalamka, wakiillo ka socda hey’ado caalami ah iyo in ka badan 50 dowladood ayaa ka baaqday.

Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimada Online, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ogaaday in Beesha Caalamka ay u diyaarsatay qorsho ay ugu sheegi rabto inuu la heshiiyo madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo aan dooneyn inuu la heshiiyo maamul goboleedyada, gaar ahaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo kan Puntland Saciid Deni, ayaa ka carooday rabitaanka Beesha Caalamka, wuxuuna gebi ahaanba joojiyey qorshihii uu shirkaas kusoo xiri lahaa.

Farmaajo ayaa sidoo kale la sheegay inuu garowsaday inaysan jirin wax guulo la taaban karo ah oo dowladdiisa gaaray tan iyo shirkii sanaddii tagtay, ayada oo dhammaan qodobadii ugu muhiimsanaa sida amniga ay dowladda ku fashilantay.

Farmaajo ayaan sidoo kale xaadirin furitaanka Madasha oo Talaadadii, 1-da October 2019-k,a uu daah-furay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana la filayey inuu Madaxwenaha Maanta soo xiro balse waxaa soo xiray Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Warar xog ogaal ah ayaa qeexaya in Xubnaha Beesha Caalamka ay ka xumadeen baaqashada Madaxweyne Farmaajo iyagoo u arkay hoos u dhig Shirka lagu sameeyey.

Puntland ayaa qaadacdey Shirka, halka Jubaland ay kasoo horjeesatay maadaama ay xukuumada federaalka u diidey in ay kaga soo muuqato heer madaxweyne.

Shirka Bahwadaagta Soomaaliya oo sanadle ah ayaa ah midkii afaraad, waxaana lagu gorfeeyaa wax-qabadka sanadkii tegay, waxa aan hirgelin, caqabadaha iyo qorshaha sanadka xiga.

Kulankan oo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya lagu casuumo ayaa taageero waxaa loogu uruuriyaa horumarinta waddanka leh xeebta ugu dheer ee qaaradda Afrika ee Soomaaliya.

Safiirada Mareykanka iyo wakiilada dalalka Yurub ee ka hadlay Shirka Caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya ayaa dowladda Somalia ugu baaqay inay xal u hesho khilaafka ka dhashay maamulka Jubbaland iyo doorashadii la isku khilaafay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this