Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan ciidanka DFS oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Qaraxyadda oo saddex ahaa ayaa midka koowaad waxaa uu haleelay degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Lix askar ayaana ku naf-weyday.

Weerarka labaad ayaa waxa uu ku qabsaday degaanka Lafoole, waxaana kaga geeriyootay illaa iyo laba askari, xili ay ku dhaawacmeen tirro kale.

Gulufka saddexaad ayaa waxa ay la kulmeen iyaga oo maraya Isbaarada Shabelle, halkaasi oo ay kaga dhimatay laba kale oo ciidanka xooga ah.

Ciidamadan ku dhamaadey qaraxan ayaa ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Danab uuna tababaro Mareykanka.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkan. Mana jiro wax war ah oo ku aadan dhacdadan oo kasoo baxay dowladda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this