Sign in to follow this  
Deeq A.

UN: 2020 waa in ay noqotaa sanadka gaarista guulaha muhiimka ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa ku baaqay dadaallo wada-jir ah oo ka dhexeeya daneeyayaasha Soomaaliya si loo hubiyo in waddanku uu gaaro guulaha muhiimka ah sannadka 2020.

Isagoo ka hadlayey inta uu socday Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka furmay Muqdisho Talaadadii, Swan wuxuu sheegay in la joogo waqtigii maskaxda lagu hayn lahaa si loo hubiyo in 2020 uu noqdo sanadka gaarista yoolka la hiigsanayo.

Anigoo qiraya in la gaaray horumar, hadana waa inaan sidoo kale daacadna ka sheegnaa caqabadaha jira, ”ergeyga Qaramada Midoobay ayaa sidaas yiri. ” Waa inaan si dhab ah u dedaalno oo aan ka gudubno caqabadahaas isla markaana aan hubinno in 2020 uu noqdo sannadka gaarista mudnaanta ugu muhiimsan.”

Swan waxa uu sheegay dowladda federalka Soomaaliya in looga fadhiyo 2020 xaqiijinta doorashooyinka qaran, dhameystirka hannaanka dib u eegista dastuurka, dabar gaoynta al-Shabaab iyo dhismaha hay’adaha amniga iyo garsoorka.

“Maanta, waxaan soo jeedinayaa inaan ka faa’ideysano fursada asxaab badan oo Soomaaliya ah oo miiskaan isugu yimid si aan ugu nuuxnuuxsano talaabooyinka la taaban karo ee loo baahan yahay hirgelinta ballanqaadyadii mudnaanta lahaa ee lagu heshiiyay ,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

Puntland Post

The post UN: 2020 waa in ay noqotaa sanadka gaarista guulaha muhiimka ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this