Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Laba Qarax oo xooggan oo goor dhacay iyo ciidamo ka tirsan Danab oo lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War iminka nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Danab ee sida gaarka ah u tababaran qaraxyo xooggan lagula beegsaday gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadan oo ahaa laba ay ka dhaceen inta u dhaxaysa deegaanka Ceelsha Biyaha iyo degmada Afgooye.

Waxaa qaraxyada lala eegtay kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen ciidamada Dana boo waddada marayey.

Labada qarax ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan toddoba askari oo ka mid ah ciidamada Danab. Waxaa sidoo kale jira tiro dhaawac ah oo aan si rasmi ah loo ogeyn, sida uu sarkaal sare u xaqiijiyey Caasimada Online.

Dawladda Soomaaliya iyo taliska ciidamada weli wax war ah kama soo saarin qaraxyadan. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin qaraxyada.

Qaraxyadan ayaa imanaya laba maalmood kadib markii ciidamada Danab iyo kuwa Mareykanka ay iska caabiyeen weerar ay Al-Shabaab ku qaadday saldhigga garoonka Ballidoogle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this