Deeq A. Posted October 2, 2019 Mudane Xasan Cali Khayre xalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula qaatay mas’uuliyiin ka socda dowladda Kenya. Wararka ayaa sheegaya in kulankan oo ahaa mid xasaasi ahaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo xiisada u dhexeysa labada dal. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in kulanka uu u dhexmaray Ra’iisul wasaaraha, kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Ababu Namwamba, agaasimaha nabadda iyo amniga ee wasaaradda, John Kilonzi iyo Danjiraha Kenya ee Somalia Gen. Lucas Tumbo. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kulankan uu daba socdau midkii ay dhowaan Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ku yeesheen magaalada New York. Xiriirka labada dal ayaa muddooyinkii dambe xumaa, kaas oo ka dhashay muranka la xariira arrimaha Badda ee haatan horyaalla maxkamadda cadaalada adduunka ee ICJ. View the full article Share this post Link to post Share on other sites