Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar khasaaro geystay oo markale ka dhacay Ceel Saliini

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay madaafiic isku weydaarsadeen gudaha deegaanka Ceel Saliini oo ka tirsan gobolkakaasi.

Ilo deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay weerarkaasi.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkan ay ku dileen 7 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ee ku sugan saldhigga Ceel Saliini.

Sidoo kale warka ka soo baxay ayaa lagu sheegaya in qarax ka dhacay isla deegaankaasi oo ay la beegsadeen ciidamada dowladda ay ku dileen 5 kale, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weeraradaasi iyo khasaaraha ka dhashay.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana ciidamada Milatariga Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen halkaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii Al-Shabaab weerar ku bilowday qarax ismaadiimin ah ay ku qaaday saldhigga ciidamada dowladda ee deegaanka Ceel Saliini, halkaas oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen askar badan oo ka tirsanaa kuwa Milatariga Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this