Deeq A. Posted October 2, 2019 Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa sheegay in maamulkiisu uu diyaariyey ciidamo Boolis ah oo ka howlgali doono gobolka Sh/Hoose. Lafta Gareen ayaa tirada ciidamadan ku sheegay illaa 400 oo askari, wuxuuna sheegay in lagu wareejin doono deegaanada lagala wareego Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadan ay ka shaqeyn doonaan, sidii la’isugu furi lahaa waddooyinka go’doonsan ee gobolkaasi. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ballaaran ka wada Shabeelaha Hoose, iyagoo ka saaray deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites