Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo shuruud adag ku xiray taageerada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ambassador Donal Yamamoto oo ah Safiirka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliyaoo oo khudbad ka jeediyay maanta Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya  ayaa shuruud adag ku xiray taageerada Dowladda Soomaaliya.

Safiirka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay dalka ku maamusho Siyaasad loo dhan yahay si uu dalka horey ugu sii socdo.

Mar uu soo hadal qaaday Khilaafka ka dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbalanad ayaa ku celceliyey inay lagama maarmaan tahay inay Dowladda Soomaaliya dalka ku maamusho siyaasad loo dhan yahay wax walbana lagu xaliyo wadahadal.

Safiirka oo ka hadlayey qorshaha deyn cafinta Soomaaliya ayuu sheegay inaysan taas kaliya ku xirneen dhaqaale wanaag balse ay sidoo kale ku xiran tahay in la helo siyaasad loo dhan yahay oo dalka ka hana qaado.

Wuxuu tilmaamay in taageerada Dowladda Mareykanka ay siineyso Soomaaliya ay ku xiran tahay in la helo siyaasad loo dhan yahay khilaafka jirana la xaliyo sida ugu dhow iyo qaabka ugu fudud.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaanan ka qeyb-galeyn Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka socda Magalada muqdisho, iyada oo uu weli jiro khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this