Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: XAAF oo ku biiray shirka madasha iskaashiga Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in la soo gabagabeeyo shirka madasha iskaashiga Somalia oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka oo galay maalintiisii labaad ayaa waxaa maanta ku biiray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Sidoo kale waxaa kulanka ka qeyb galaya Madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, Cabdicasaasi Lafta Gareen iyo Maxamed Cadi Waare.

Madasha iskaashiga oo sanadkan markii ugu horreysay lagu qabanayo Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale lagu casuumay in ka badan 50 dolwadood oo daneeya Somalia.

Intiis ka badan kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo cadaaladda.

Gagabagada shirka oo galabta la soo xiri doono ayaa la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed ay isku raacsan yihiin dhammaan xubnihii ka qeyb galay shirkaasi.

c-2.jpg A-4.jpg b-1.jpgCaasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this