Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Iiraan Oo Soo Dhaweysay In Wadahadal Lagu Dhammeeyo Khilaafka U Dhaxeeya Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Iran)-Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan ayaa sheegay in Tehraan ay soo dhaweyneyso wadahadal ay la bilowdo wadanka ay ku xafiiltamayaan gobolka ee Sacuudiga.

156994938580012-1.jpg

Mr Cali Larjani ayaa wareysi uu ku siiyay tv-ga caalamiga ah ee Al-Jaziira magaalada Tehraan ayuu ku sheegay in Iiraan diyaar ay u tahay wadahadal in lagu dhammeeyo xiisadda u dhaxeysa labada Waddan.

Hadalkaan ayaa imaanaya maalmo kadib markii tv-ga CBS ee dalka Mareykanka uu u sheegay dhaxal sugaha Sacuudiga in dalkiisa u daneynayo in xal nabadeed uu la gaaro Iiraan.

Mr Salmaan ayaa tilmaamay in uu ka soo horjeedo in labada dal qilaafka u dhaxeeyo uu isku badalo dagaal Milatari.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Iiraan ayaa ugu dambeyn sheegay in wadahadalka Sacuudiga iyo dalkiisa ay xalin doonto dhibaato badan oo ka taagan Gobolka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this