Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Hindiya Oo Carruur Badan Ku Xidhay Gobolka Kashmiir

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Kashmiir)-Booliska Hindiya ee ku sugan gobolka Kashmiir ayaa xabsiga dhigay 144 caruur ah tan iyo markii dowlada New Delhi ay bilowgii bishii August oo xayiraad ku soo Rogtay.

156996280023345.jpg

Garsoorayaasha maxkamada sare ee Kashmiir ayaa sheegay in 26 ka mid ah carruurtan lagu xareeyay goobaha loogu talagalay dhaqan celinta.

Tirada ugu badan carruurta ayaa laga soo qabtay magaalada ugu weyn ee Srinagar, waxaana caruurta la xidhay ka mid ahaa cunug 9 jir Ah.

Booliska ayaa ku eedeeyay carruurtan inay dhagxaan ku tuurayeen xarumaha dowlada ee loogu talagalay adeega dadweynaha iyo laamaha Amniga.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo uu sii kordhayo walaaca laga muujinayo xaaladda ka taagan gobolka Kashmiir.

Xukuumada Islamabad ayaa hore cadho uga muujiyay howlgalada ciidanka Hindiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this