Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad Ku Taalla Iiraan Oo Dil Ku Xukuntay Nin Basaas U Ahaa Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Iran)-Maxkamad ku taalla dalka Iiraan ayaa dil toogasho ku xukuntay shaqsi lagu eedeeyay in uu basaas u ahaa dowlada Mareykanka.

156993012898e14.jpg

Afhayeenka Maxkamada Iiraan ayaa dhanka kale tilmaamay in laba qof oo kale lagu xukumay 10 sanno oo Xabsi ah.

Mr Qulaam Xuseyni Ismaaciili ayaa intaa raaciyay in 10 sanno gadhka loo galiyay shaqsi afaraad oo isna Basaas u ahaa dowlada UK.

Wuxuu intaa ku daray in shaqsiga Basaaska u ahaa Mareykanka lagu xukumay daldalaad balse uu racfaan ka qaatay.

Illaa iyo hadda lama oga in shaqsiyaadkan ay ku jiraan 17 qof oo bishii July ay qabteen ciidanka amniga kuwaasi oo loo haysto in basaas ay u ahaayeen Mareykanka.

Xukunadan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay sare u sii kaceyso xiisada u dhaxeysa Washington iyo Tehraan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this