Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo baaq u diray shacabka Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi (Deni) oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari inay kaalintooda ka qaataan sugida amniga magaaladaasi.

Deni ayaa sheegay inay muhiim tahay inay wada shaqeyn dhow yeeshaan ciidamada ammaanka iyo shacabka, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maamulkiisu uu xoojin doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.

 

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeynsayey falalka ammaan dari ee ka dhaca gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this