Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka madasha iskaashiga oo maanta la soo xirayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo shirweynaha caalamiga ah ee madashada iskaashiga Soomaaliya.

Shirkan oo aha mid xasaasi ah ayaa waxaa shalay daah-furay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar).

Madasha iskaashiga oo markii ugu horreysay lagu qabanayo Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galaya wakiilo ka socda in ka badan 50 dowladood.

Sidoo kale waxyaabaha looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo cadaalada.

Gabagabada shirkan ayaa waxaa la filayaa in laga soo saarayo Warmurtiyeed ku aadan dhammaan waxyaabihii laga wada hadlay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this