Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha dowladda Puntland oo kulan furan la qaatay shacabka magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay magaalada Boosaaso bulshada gobolka Bari.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Isimo, nabadoono, siyaasiyiin iyo boqolaal ka mida shacabka gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa khudbad tariikhiya u jeediyey shacabka gobolkaasi ee uu kulanka la qaatay, waxaa uu ka hadlay Madaxweynuhu waxqabadka Xukuumadda, hindisaha Dowladda ee horumarinta Puntland, muhiimadda shirkii maalgashi, mashariicda maalgashi ee ka bilaabanaaya Puntland, gaar ahaan Boosaaso iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Waxaa sharaf weyn ii ah in aan caawa halkaan kula kulmo bulshada gobolka Bari oo runtii ah laf-dhabarta dowladda Puntland, waxaad ogsoon tihiin markii dowladdi dhexe burburtay dadka Soomaaliyeed’na kala irdhoobeen sida ay nasiibka ugu heshay in ay marti-galiso dadyow kala duwan oo deegaano Soomaalyeed ku noolaan jiray, waxaan idiinka mahad-celinaynaa sida aad dadkaa usoo dhawayseen, amaan badan bay mudan yihiin dadka reer Boosaaso oo dadkaas ka dhigtay walaal”. ayuu yiri madaxweyne Deni

Runtii magaaladan waa meeshii uu ka yimid fikirka Puntland maxaa yeelay dadka reer Puntland oo dhan bay gabaad u ahayd, Boosaaso oo markaas ahayd isha kaliya oo nololi ka jirtay dadkii halkaas iskugu yimid waxyaabaha ay xoogga saareen waxaa ka mid ahaa sidii Puntland ay u heli lahayd Dowlad danaheeda ka shaqaysa intay hayso in ka badan ku kordhisa waxaa nasiib wanaag ahaa guddigii Puntland Aas-aaskeeda hogaaminaayey gobolka Bari waxaa u matalayey senator Bootaan maantana asagoo senator ah meesha ayuu fadhiyaa, waxay soodhoweeyeen shirar badan oo Soomaalidu halkaan ku qabatay waxay soodhoweeyeen dad badan oo deegaanadoodii dhib ka dhacay, una sameeyeen taakulayn dhismihii Puntland, waxaa laf-dhabar u ahaa Boosaaso oo dhaqaalihii lagu dhisay qeyb ka qaadatay “.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka gobolka Bari uga mahadnaqay kasoo qayb galka kulankani taariikhiga ah ee caawa ka qabsoomay caasimadda ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

  • 1-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 10.jpg?w=1000&ssl=1
  • 11.jpg?w=1000&ssl=1
  • 12.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha dowladda Puntland oo kulan furan la qaatay shacabka magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this