Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo sheegay in Puntland shirka Muqdisho loogu casumay in lagu qiima rido

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa markii u horraysay faahfaahin ka bixiyay, arrimaha keenay in Puntland ay ka qeyb-geli waydo, Shirka la baxay Somali Partnership Forum ee shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in aan Puntland laga tala-gelin shirkaasi, balse ay baraha bulshada ka aragtay ajandihiisa iyo war-murtiyeedkii ka soo bixi doona oo sii diyaarsan,sidaasi darteedna ay go’aansatay in aysan ka qeyb-gelin, maadaama aanay wax talo ah ku lahayn.

Waxaan aad uga xunahay Shirka noocaas ah intaas le’eg, in Puntland aan laga tala galin in Puntland ay baraha bulshada ka aragtay ajandaha shirka iyo sida uu u dhiganyahay, in Puntland ay ka aragtay waxa loo yaqaan Communique ama wixii kasoo bixi lahaa shirka oo diyaarsan” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Mudane Deni, waxaa uu sheegay in dawrka keliyah ee Puntland laga siiyay shirkaasi uu ahaa, in ay mudda 5 daqiiqo ah ra’yigooda ka dhiibtan sida ay u arkaan khudbadaha shirka laga akhriyay, isagoo xusay in taasi ay tahay, mid lagu qiima dilayo dowladda Puntland, islamarkaana aysan wax la qaadan karo ahayn.

Khudbad nin akhriyay ayaa shan daqiiqo idinkuna waxaad leedihiin inaad Comments ka bixisaan ama ka hadashaan, intaas in ay noqotay qiimihii Puntland laga dhigo aad baan uga xumaaday runtiina wax Puntland ay qaadan karto ma aha Bulshada Caalamka oo dhanna si cad ayay ugu cadaysay inaysan arrintaas raali ka ahayn” ayuu sii raaciyay.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu xalay la qaatay bulshada magaalada Boosaaso, isagoo halkaasi ka shaaciyay in Puntland ay diyaar u tahay, in ay wada-hadal furan oo telefishinada laga daawado la gasho Villa Somalia, si loo arko labada dhinac kan qaldan, loona xalliyo khilaafka jira.

Hoos ka daawo hadalka madaxweyne Deni

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo sheegay in Puntland shirka Muqdisho loogu casumay in lagu qiima rido appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this