Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha caalamka oo aan shirka Muqdisho kusoo hadal qaadin doorka dowlad goboleedka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ku saabsanaa shirka Soomaaliya iyo daneenayaasha caalamiga ah ee Muqdisho ka socda, ayaa marna lagusoo hadal qaadin maqnaanshaha qaar kamid ah dowlad goboleedyada.

Inkastoo maanta dowlad goboleedyada shirka jooga laga dhegaysandoono kaalintooda, ayaa hadana waxaa shirka lagusoo hadal qaaday tilaabooyinka beesha caalamka iyo dowladda federalka.

Daneenayaashu waxay sheegeen Soomaaliya in ay muddo dheer ku soo qaadatay dhismaha jawi wanaagsan iyo awood ay ku fuliso kaalinteeda xubin buuxda oo bulshada caalamka ah, oo ay ku jirto awoodda lagu marti-galiyo shirarka caalamiga ah ee kan la midka ah.

Kama muuqan wax door ah oo laga siiyay dowlad goboleedyada ahmiyada shirkaan, hase yeeshee war murtiyeedka maanta lagasoo saaridoono shirka ayaa la filayaa in lagu xuso kaalintooda.

Puntland iyo Jubbaland ayaa shirkaan diiday, iyagoo maanta ku qoran inay hadal jeedin kooban ka sameeyaan shirka.

Labaduba waxay sheegeen in dowladda federalka si qaldan umaamushay qaban qaabada shirka, iyagoo tilmaamay inaan wax talo ah laga siinin ajendaha shirka iyo kaalintooda.

Puntland Post

The post Beesha caalamka oo aan shirka Muqdisho kusoo hadal qaadin doorka dowlad goboleedka. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this