Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo qabatay hub iyo rag ka tirsan Al-Shabaab oo weeraro qorsheynayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay xubno ka mid ah dagaalyahannada Al-Shabaab, kadib howlgallo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen nawaaxiga magaalada Mombasa, iyagoona ku soo qabtay illaa 7 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysay howlgalladaasi ayaa sheegay in guri ay ku sugnaayeen raggaasi laga soo helay hub iyo kiimikada laga sameeyo qaraxyada.

Hubka ay gacanta ku dhigeen ciidamada ayaa waxaa ka mid ah 1,600 xabo oo rasaas ah, bambooyin, hub kala duwan iyo maadooyin kiimikaad oo qaraxyada laga sameyn karo.

Booliska Kenya ayaa sidoo kale sheegay in raggaasi ay qorsheynayeen in weeraro xoogan ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya, gaar ahaan meelaha ay dadka ku badan yihiin.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaaro geysta ka fulisa Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka dheer oo uu dalkaasi la wadaago Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this