Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay sababta ay u qaadacday shirka madasha iskaashiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi (Deni) oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey sababta uu maamulkiisa u qaadacay shirka madasha iskaashiga ee ka socda magaalada Muqdisho.

Siciid Deni ayaa sababta ay Puntland uga qeyb geli weysay shirkaasi ku sheegay in aan laga talo gelin, islamarkaana ay ajandaha shirka ku arkeeyn kaliya baraha bulshada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka war hayaan Warsaxaafadeedka laga soo saarayo shirkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa soo hadal qaaday khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka, wuxuuna sheegay in maamulkiis uu diyaar u yahay wadahadal.

“Waxaan fahmayaa in dada aan wax ka ogeyn waxa jira ay aqbalaan wixii loo sheego,waxaan diyaar u nahay inaan dowladda federaalka la furno wada-hadallo Toos loo daawado si Bulshada u ogaato wixii aan isku heyno loona xaliyo ayuu yiri.” Deni.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay Puntland iyo Jubbaland ay qaadaceen shirka madasha iskaashiga Soomaaliya, kaas oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 50 dowladood, iyadoona diirada lagu saarayo arrimaha amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo cadaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this